Muqdisho:
Guddiga Dhaqaalaha,Maaliyadda,Ganacsiga, Isgaarsiinta Iyo Dalxiiska ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay xarunta Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda 28,Maay 2018.
Ayadoo lagu balansanaa in uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle horyimid Guddiga ,Waxaana laga dhageeystay wax qabadka wasaaradda ,sidoo kale waxaa lagu weeydiiyay wasiirka su'aalo dhoowr ah :
- Warbixinta guud ee waxqabaddka Wasaaradda.
- Qorshaha Wasaarada ee canshuuraha dalka.
- Qorshaha Wasaaradda ee samaynta lacag cusub.
- Dib u eegista Miisaaniyadda 2018.
- Habka dabogalka iyo qiimaynta Wasaaradda.
- Qaabka Qoondaynta Miisaaniyadda ee Maamul Gobolleedyada iyo D.dhexe.
- Warbixinta Cashuuraha hadda laqaaddo iyo sharciga lagu qaado.
- Caqabadaha wasaaradda horyaala.