Print this page

Guddiga Dhaqaalaha ,Maaliyadda ,Ganacsiga , Isgaarsiinta Iyo Dalxiiska ee Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa Ku qaabilay Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

July 04, 2018 319

Muqdisho:

Guddiga Dhaqaalaha,Maaliyadda,Ganacsiga, Isgaarsiinta Iyo Dalxiiska ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay xarunta Golaha Aqalka Sare  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda 28,Maay 2018.

Ayadoo lagu balansanaa in uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  horyimid  Guddiga ,Waxaana laga dhageeystay wax qabadka wasaaradda ,sidoo kale waxaa lagu weeydiiyay  wasiirka su'aalo dhoowr ah  :

  1. Warbixinta guud ee waxqabaddka Wasaaradda.
  2. Qorshaha Wasaarada ee canshuuraha dalka.
  3. Qorshaha Wasaaradda ee samaynta lacag cusub.
  4. Dib u eegista Miisaaniyadda 2018.
  5. Habka dabogalka iyo qiimaynta Wasaaradda.
  6. Qaabka Qoondaynta Miisaaniyadda ee Maamul Gobolleedyada iyo D.dhexe.
  7. Warbixinta Cashuuraha hadda laqaaddo iyo sharciga lagu qaado.
  8. Caqabadaha wasaaradda horyaala.